Akhriso:-Guddiyada Maaliyadda & Ganacsiga Baarlamaanka Oo Ka Horyimid Canshuurta Lagu Kordhiyay Ganacsatada

0
178

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Gudiyada joogtada ee Golaha Shacabka ayaa waxa ay u xilsaareen gudiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga in ay dhageystaan Cabashada Ganacsatada Muqdisho ay ka qabaan Canshuur kordhinta lagu sameeyey.

Gudiga ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ay uga hadlayeen jawaab bixinta cabashadii ka timid Ganacsatada,waxa ayna ugu horeyn sharcidaro ku tilaameen Cansuurta Iibka ee lagu kordhiyay Ganacsatada oo ah 5%.

War-Saxaafadeedka oo ka koobnaa 5 Qodob ayaa sidoo kale Gudigu waxa ay Wasaaradda Maaliyadda ka dalbadeen in 30 bisha April ay horkeento Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana aan sharci noqon doonin Canshuurtaas hadii aan Baarlamanka la marsiin.