Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

Al-Shabaab oo dad ku xiray Gobolka Shabeellaha Hoose

Published on February 13, 2018 by   ·   No Comments

Wararka naga soo gaaraya degaanada Awdheegle iyo Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Shabaab ku xir xireen tiro dad ah oo shalay deganadaasi ku soo dhaweeyay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dadka la xirxiray ayaa waxaa laga qabtay dhammaan degaanadii shalay ay tageen ciidamada dowladda sidda Mubaarak, Ugunji, Awdheegle iyo farsooley.

Dadka Shabaab ay xireen ayaa tiradooda waxa ay kor u dhaafeysaa illaa 20 ruux oo Odayaal iyo dhalinyaro isugu jira, kuwaasi oo hadda ku xiran Awdheegle iyo Mubaarak.

Xariga dadkaan ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deganaadan inay bilaabeen baadigoobka dadkii soo dhaweeyay ciidamada, waxaana dadka qaar saaka ay ka soo saareen Shabaab guryahooda oo ay xabsiga dhigeen.

Qaar ka mid ah dadka degaanka diiday magacooda iyo codkooda in la adeegsado ayaa sidoo kale sheegaya, dadka ay xireen Shabaab qaarkood inay ku eedeeyeen ku lug lahaanshaha hagida ciidankii Danab ee hawlgalkaasi fuliyay ama siinta xogta ku saabsan weerarka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Sida loogu so dhaweyay Ra’iisul Wasaare Kheyre Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ka Warbixiyey Safarkiisa Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...