Al Shabaab oo sheegtay in qaar kamid ah ragii xalay Weerarka ka geestay Muqdisho nool yihiin

0
259

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weeraro isugu jiray is qarxin iyo mid toos ah oo xalay ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana weeraradan ka dhashay khasaaro xoogan.

 

 

War laga baahiyay Idaacada afka Al Shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegay in weerarkii xalay uu ahaa mid isku xirnaa ayna fuliyeen rag hubeesan oo kooxdaasi katirsanaa, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen 35-qof ay ku jiraan saraakiil iyo askar .

 

 

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaar kamid ah ragii hubeesnaa ee weerarka ka geestay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyaga oo nool dib uga soo laabteen aagaasi kadib dagaal ay la galeen ilaalada Madaxtooyada.

 

Warka kasoo baxay Al Shabaab ee laga baahiyay idaacada afkooda ku hadasha ayaan lagu sheegin tirada ragii weerarka fuliyay iyo sidoo kale dagaalyahanada weerarkaasi ka bad baaday ee dib uga laabtay aagii lagu dagaalamay.

 

Wasaarada Amniga Gudaha ayaa sheegtay in dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka geestay ay gaarayeen ilaa shan nin lana dilay dhamaantood, waxaana dowlada soo bandhigtay qaar kamid ah meydadka ragaasi la dilay.

 

Dableyda weerarka fuliyay ayaa ku labisnaa dareeska ciidanka booliiska, waxaana horey u dhacday in qaar kamid ah dabley bubeesan oo weeraro ka fuliyay Muqdisho dib uga laabteen howlgalkooda kadib markii ay dharka badasheen iskana dhigeen shacab