Antonio Conte Oo Farta Ku Fiiqay Hal Xiddig Oo Badbaadin Kara Shaqadiisa Chelsea

0
313

Antonio Conte ayaa ugu baaqay Chelsea inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Inter Milan Mauro Icardi marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargeyska Corriere dello Sport ayaa sheegay in tababaraha Blues uusan ku qanacsaneyn tayada weerarka kooxdiisa, waxaana uu u aqoonsaday Icardi mid wax badan kusoo kordhin kara kooxdiisa.

Inkastoo uu kusoo biiray Olivier Giroud bishii hore, haddana tababare Conte wuxuu aamisan yahay in Icardi xoojin karo kooxdiisa xilli ciyaareedka soo aadan.

Macalin Conte ayaa fahamsan in Icardi uusan ku qanacsaneyn kooxda Inter, islamarkaana uu raadinayo koox weyn oo ciyaari karta tartamada Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, fursad kasta oo ay Chelsea kusoo qaadaneyso xiddiga reer Argentine waxay ku xiran tahay sida ay ugu soo baxdo tatanka Champions League xili ciyaareedka soo aadan.