“Antonio Conte waa inuu ciyaarsiiyo xiddigaan si Chelsea ay natiijo uga keento kulanka Barca” – Halyeey Man Utd ah

0
317

Tababare Antonio Conte waa inuu ciyaarsiiyo laacibka reer Brazil Willian kulanka ay Chelsea Talaadada wajaheyso kooxda Barcelona ee lugta hore ee wareega 16ka tartanka UEFA Champions League.

Aragtidaas waxaa qaba halyeeyga Manchester United Owen Hargreaves, kaasoo haatan ah khabiir ka faallooda kubadda cagta.

Laacibka reer Brazil Willian ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku jira, laba gool ayuuna dhaliyey kulankii ay Chelsea guusha ka gaartay Hull City ee tartanka FA Cup-ka Jimcadii isagoo kooxdiisa usoo saaray heerka quarter-finalka tartankaas.

Laakiin Pedro ayaa marwalba kaga horreeya Willian booska garabka weerarka ee safka koowaad ee tababare Conte. Hase yeeshee, Hargreaves wuxuu aaminsan yahay in haddii uu Conte soo xusho Willian ay markaas Blues natiijo ka keeni doonto kulanka Talaadada ka dhacaya garoonka Stamford Bridge.

Hargreaves ayaa u sheegay hillinka BT Sport: “Waxaan rajeynayaa inuu ciyaaro kulanka ay Chelsea wajaheyso Barcelona. Willian wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda aan ku raaxeysto daawashada qaab ciyaareedkooda ee horyaalka England Premier League.

“Maxaa yeelay wuxuu ka ciyaari karaa booska lambarka 10aad, wuxuu ka ciyaari karaa garabka, wuxuuna ku lug yeeshay 13 gool 14kiisii kulan ee ugu dambeeyey, si adag ayuu u shaqeeyaa, waana wax lagu riyaaqo inaad daawato”.

29 sanno jirkaan Willian ayaa 10 gool dhaliyey tartamada oo dhan xilli ciyaareedkaan.