Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Axmed Cali Daahir oo digniin u diray talisyada saldhigyada Booliska

Published on February 12, 2018 by   ·   No Comments

Wuxuu sheegay in ay bilaaban doonto isla xisaabtan adag oo lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo uu tilmaamay in mararka qaar ay ku kacaan dambiyo waa weyn.

 

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in mararka qaar ay dhacdo in dad shacab ah si qaldan loogu xiro saldhigyada, xilliyada qaarna ay u gudbiyaan Hay’adaha Garsoorka warbixino qaldan.

 

“Saldhigyada qaar Taliyeyaashooda warbixino qaldan ayeey Hay’adda Garsoorka u soo gudbiyaan iyaga oo soo xira dad shacab ah oo kiis qaldan lagu soo oogo, waxaas oo dhan waa la isagala xisaabtamayaa.” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.

“Taliyeyaasha Ciidamada waxaan u sheegeynaa in ay jiri doonaan isla xisaabtan adag, cabashooyin badan ayaa lagala kulmaa saldhigyada, qofkii shaqo wanaagsan sameeya waala abaalmarinayaa, balse cidii xad gudub sameysa si adag ayaa loola xisaabtami doonaa.” Ayuu yiri Dr. Axmed Cali Daahir.

 

Saraakiisha hoggaanka Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir qaarkood ayaa ku takrifala awoodda ciidanka, iyaga oo xadgudub  u gaysta dadka rayidka ah.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...