Monday, February 19th, 2018
Advertisements
Advertisements

Barcelona oo guul ka gaartay Valencia

Published on February 9, 2018 by   ·   No Comments

Barcelona ayaa guul weyn ka gaartay Valencia kulanka lugta labaad ee wareega semi finalka tartanka Copa del Rey, waxeyna laba gool ka heshay Coutinho iyo Rakitic taasoo wadarta guud ee isku cel-celiska goolasha ka dhigtay 3-0.

Blaugrana wuxuu kulankaan u bilowday iyadoo lugtii hore ee Mastella kusoo badisay kaliya 1-0 kagana mahad celinesa Luis Suarez, balse markii la yimid guriga ay martida ku aheyd waxey ku adkaadeen 2-0.

Philippe Coutinho ayaa shabaqa soo taabtay isagoo ku jira kaliya kulanka 5-daqiiqo isagoo soo galay qeybta labad wuxuuna caawinaad ka helay Luis Suarez, sidoo kale goolka labaad waxaa dhaliyay Ivan Rakitic daqiiqadii 82-aad waana goolka hurdada u diray Valencia.

Si kastaba natiijada waxey ka dhigan tahay in Barcelona ay finalka kula midoobeen Sevilla oo habeen hore ka gudubtay kooxda Leganes.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho iyo Ganacsatada oo ka wada hadlay cabashooyinka jira

February, 19, 2018
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la yeeshay Guddiga Ganacsatada ...

Xukuumadda Somaliya Oo Amartay In La Xiro Dad Ka Ganacsada Cunnooyinka Gargaarka

February, 18, 2018
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Saraakiisha Wasaaradaas ay ...