Boko Haram oo weerar ku qaadday Iskuul ku yaalla Nigeria

0
212
????????????????????????????????????????????????????????????

Wararka ka imanaya Dalka Nigeria waxaa ay sheegayaan in Ururka Boko Haram ay saaka weerar ku qaadeen Digsi sare oo ay leedahay Dowladda kuna yaalla Gobolka Yobe ee dalkaasi.

Kooxda weerarka qaadday ayaa rasaas ku furay Dugsiga iyo Bariga magaalada oo ay ka galeen,waxaana ay qasab ku furayeen Dukaamada iyaga oo raashinka yaalla qaadanayay.

Taliyaha Booliska Yobe Ninka lagu magacaabo Abdulmaliki Sunmonu ayaa xaqiijiyay weerarka waxaana uu xusay in Ciidamada dowladda iyo Boko Haram ay hadda ku dagaallamayaan Magaalada.

Mid ka mid ah Barayaasha Dugsiga la weeraray oo ka baxsaday weerarkaas ayaa sheegay in isaga iyo Ardeyda Iskuulka ay howdka u kala carareen islamarkaana aan la kala xaqiijin in arday laafduubtay iyo in kale.

Al Xaaji Ibraahim oo ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Kooxda weerarka ku qaadday Magaalada Burasari  ay wateen  Lix Gaadiidka Hilux ah.

Qofkaas ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidamada Boko Haram ay jabsadeen Bakaarka Cuntada iskuulka iyo Dukaamada Magaalada iyada oo dowladda ay sheegtay in ay ku howllan tahay ka hortagidda weerarka ka socda Magaalada Burasari .