Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

Chelsea oo guul garoonkeeda Stamford Bridge uga gaartay kooxda dhibaatooneysa ee West Brom

Published on February 13, 2018 by   ·   No Comments

Chelsea ayaa guul qurux badan ka gaartay West Brom kulan xiiso leh oo ka dhacay garoonka Stamford Bridge, taasoo ka dhigan iney wadada guulaha dib ugu soo laabteen sidoo kalana ay saacideen macalinkooda Antonio Conte.

Blues waxey soo tiigsatay booska 4-aad iyagoo kala baxay Tottenham Hotspur oo kulankii North London Derby guushii ay ka gaartay ay halkaas soo gaarsiisay.

Sadexda Gool waxey ka heshay Eden Hazard oo laba gool shabaqa soo taabsiiyay iyo sidoo kale Victor Mosses ayaa qudhiisa shabaqa gaaray, waxeyna guushaan fariin u tahay kooxaha United, City iyo Barcelona oo ay kulamada soo aadan la ciyaari doonaan.

Weeraryahanka cusub ee Blues Olivier Giroud ayaa saameyn aan caadi aheyn kulanka ku yeeshay, maadaama uu laba jeer isku dayay, midna waxaa ka badbaadiyay Foster midna waxey aheyd qalaama rogaal mana ku aadin goolka.

Sidoo kale Zappacosta ayaa isna qasaariyay fursad gool loo fishay inkastoo garab dhaaf ay aheyd hadana – Hazard ayaa si fudud ugu soo gudbiyay waase laga badbaadiyay.

Alvaro Morata ayaa kooxda dib ugu soo laabtay kadib muddo uu dhaawac ku maqnaa, si fiican ayuun saameyn ugu yeeshay balse gool ma helin.

Natiijada waxey ku dhamaatay 3-0, oo ay guusha ku raacday Blues, waxeyna fadhisaa booska 4-aad iyadoo 3-dhibcood u jirta kaliya booska labaad.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Sida loogu so dhaweyay Ra’iisul Wasaare Kheyre Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ka Warbixiyey Safarkiisa Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...