Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka baxay degaano ka tirsan Shabellaha hoose

Published on February 13, 2018 by   ·   No Comments

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa  xaqiijiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka baxeen degaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose oo ay shalay Al-Shabaab kala wareegeen.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in ciidamada dowladda Sababta ay degaanadaasi ay u tageen in aysan aheyn in ay ka sameystaan Saldhigyo.

Waxaa uu sheegay in u jeedka howlgalkaasi uu ahaa in la burburiyo Saldhigyadda Al-Shabaab, islamarkaana ciidamada dowladda ay kusoo laabtaan Saldhigyadooda.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay kasoo baxeen inta badan degaanadii ay shalay tageen.

Ciidamada dowladda ayaa shalay howlgal ka bilaabeen degaano ay ku sugan yihiin Shabaab.

Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayaan degaanadii ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...