Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Kurtun-waarey

0
19

Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay Ciidamada Xoogga oo kaashanaya Midowga Afrika ee AMISOM ay sameeyeen howlgal qorsheysan oo lagu bur buriyay saldhigyo ururka Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jireen weerarada iyo Qaraxyada ay geystaan.

 

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM shalay gelinkii dambe ay howlgal ka dhan ah ururka Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Kurtun-waarey iyo nawaaxigeeda.

 

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo Howlgalkan si kooban uga hadlay ayaa yiri ”Ciidamada Xoogga dalka waxay galeen degmada Kurtun-waaraey, waxayna bur buriyeen saldhigyo Shabaabka ay lahaayeen oo ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada iyo weerarada dadka ay ku dhibaateynayaan.”

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in markii ay Ciidamada Xoogga dalka ku soo guuleysteen howlgalkii Qorsheysnaa ee ay ka fuliyeen degmada Kurtun-waarey iyo nawaaxigeeda dib ugu soo laabteen fariisimaha markii hore ay ku sugnaayeen.

 

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidan oo kale horay howlgallo qorsheysan uga fuliyay qeybo ka mid ah dalka oo ay ku sugaanyeen xoogaga ururka Al-Shabaab, iyadoona lagu bur buriyay saldhigyo ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here