Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Cristiano Ronaldo Oo Hogaaminaya Goolasha La Liga Sannadka 2018 & Rikoorkiisii Kulankii Xalay

Published on February 11, 2018 by   ·   No Comments

Xiddiga kooxda Los Blancos Ronaldo ayaa dib u soo nooleeyay xirfadiisa ciyaareed qeybta labaad ee horyaalka La Liga isagoo hogaaminaya liiska gooldhaliyaasha ugu sareeya sanadkaan.

Cristiano Ronaldo ayaa qaabeynaya qaab ciyaareedkiisa sannadkaan 2018ka, kadib markii uu kula bilowday kooxdiisa bandhigiisii ugu xumaa abid.

Xiddiga Real Madrid ayaa ku bilowday xilli ciyaareedkiisii ugu xumaa, waxaana uu qeybtii hore ee La Liga awoodi waayay inuu shabaqa soo taabto, iyadoo kooxdiisa 19 dhibcood ka hoos martay Barcelona.

Ciyaaryahanka ku guuleystay Ballon d’Or ayaa dhaliyay kaliya afar gool oo horyaalka ah qeybtii hore ee xilli ciyaareedkaan, taasoo keentay inuu su’aal laga keeno hoos u dhaca ku yimid xirfadiisa ciyaareed.

Laakiin weeraryahanka reer Portugal ayaa ku bilaawday sannadka 2018 qaab ciyareed xoogan, isagoo seddex gool ka dhaliyey kulankii ay guusha ka gaareen kooxdiisa xalay Real Sociedad.

Tirada goolsha Ronaldo dhaliyay sanadkaan ayaa ah 7 gool, waana ciyaaryahanka ugu fiican marka ay timaado in la xisaabiyo kaliya goolasha la dhaliyay sannadkaan cusub.

33 jirkaan ayaa seddexleeyda uu dhaliyay xalay u adeegsaday labadiisa cagood iyo madaxiisa, taasoo ka dhigan in markii ugu horeysay uu sidaasi sameeyo.

Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee seddexleey ka dhaliya La Liga xilli ciyaareedkan isagoo isticmaalaya lugta midig, lugta bidix iyo madaxa.

Guushaan ayaa ka dhigan in Madrid soo yareysay farqiga u dhexeeya iyada iyo Barcelona oo ah 16 dhibcood  kadib 22 kulan oo la ciyaaray xili ciyareedka.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta caawa kooxda Getafe, halka Real Madrid ay ku martigelin doonto garoonkeeda PSG lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...