Cristiano Ronaldo: Waan Ku Faraxsanahay Haddii Aan Maanta Ka Fariisto Ciyaaraha

0
515

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigaya ayaa qiray inuu ku faraxsan yahay waxa uu ku guuleystay haddii uu haatan ka fariisto ciyaaraha kubadda cagta.

Isagoo ka hadlayay shantii abaalmarin ee Ballon d’Or, 33 jirkaan ayaa sheegay inuu ku guuleystay himiladii uu kalahaa kubadda cagta markii uu yaraa, waxaana uu qirtay inuu ku faraxsan yahay wax uu ku guuleystay xirfadiisa ciyaareed.

“Marnaba kuma riyoon inaan ku guuleysto Ballon d’Or shan jeer” ayuu Ronaldo u sheegay Desimpedidos.

“Hadii aan soo gabagabeyn lahaa waqtigaan mustaqbalkeyga, waan ku faraxsanahay wax qabadkeyga iyo guulaha aan sameeyay.

Ronaldoo ayaa sidookale shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa inta ka dhiman xirfadiisa ciyaaraha inuu ku guuleysto Ballon d’Or labo ama seddex jeer kale.

“Xitaa haddii aanan helin, mar hore ayaan ku guuleystay shan jeer, laakiin weli waxaan heystaa kalsooni iyo awood aan ugu tartami karo abaalmarintaan.

Waxay ku xiran tahay koobabka aan ku guuleysto sannadkan “ayuu hadalkiisa ku daray hogaamiyaha Real Madrid.

“Wax kasta oo aan ku riyooday markii aan yaraa waan ku guuleystay.

Marka laga soo tago shanta abaalmarin ee Ballon d’Or, Ronaldo waxa uu ku guuleystay wax walba oo uu ku guuleysan karay heerar koox iyo heer qaran.

Haddaba Ronaldo markale maku guuleysan karaa Ballon d’Or kale?