Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

Cudurka shubanka oo in kabadan 8 qof ku dilay Magalada Gaarisa

Published on February 14, 2018 by   ·   No Comments

Maamulka Magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in 8 qof ay ilaa hadda u dhinteen Cudurka Shubanka oo ka dilaacay magaaladaas iyo degaannada hoos yimaada sida Tana River.

Madaxa Caafimaadka Gobolka Maxamed Faarax ayaa sheegay in 290 Qof uu soo ritay Cudurka islamarkaana sideed ka mid ah ay dhinteen.

90 Qof oo ka mid ah dadkaas ayaa la seexiyay Isbitaalka Gaarisa iyada oo kuwo kalena wali ay tagayaan Isbitaalka Magaalada,kuwaas oo ka imanaya degaannada hoostaga Magaalada Gaarisa.

Maamulka Caafimaadka Gobolka ayaa sheegay in ay dhaqaatiir u direen,iyada oo laga shakinsanyahay in biyo aan nadiif ahayn uu ka dhashay cudurkaas.

Maamulka ayaa amar ku siiyay dadka leh Ceelasha biyaha laga cabo ee dusha ka furan in ay daboolaan ceelasha amaba iska xiraan iyaga oo dhan,iyada oo shaqaalaha caafimaad ee loo diray degaannada hoostaga Magaalada loo dhiibay dawooyin lagu darayo biyaha si looga hortago waxyeellada shubanka oo sii badata.

Faarax,waxaa uu beeniyay war sheegayay in cudurka shubanka oo isla degaannadan ka dillaacay sanadkii hore uu ka dhashay Xerada Dhadhaab kaddibna dadka magaalada ee xeradaas tagay ay soo qaadeen.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Ra iisulwasare Ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

February, 22, 2018
caasimadda dalka Turkiga soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo. Wafdiga Ra’iisul ...

Dhimasho iyo dhawac ka Dhashay Shil ka dhacay Wadada xiriirisa Garowe iyo Laascaanood

February, 22, 2018
Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku dhintay shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka ...