Daacish oo sheegatay Weerarro ka dhacay Koofurta Dalka Yemen

0
296

Ugu yaraan 20 Qof ayaa ku dhimatay Magaalada Cadan ee Koofurta Dalka Yemen kaddib markii ay shalay weerarro ismiidaamin ah ka fuliyeen goobo muhiim ah oo ay ku jirto xarunta La dagaallanka Argagixisada ee bartamaha Cadan.

 

Daacish waxaa ay sheegaya in labo Gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay ku qarxeen dhimsaha iyo meelo kale oo muhiim ah islamarkaana ay ku dileen saraakiil ka tirsan Dowladda.

 

Mid ka mid ah Gawaarida isqarxisay ayaa waxaa uu ku dhacay Dhismaha Kooxda gooni u goosadka ee uu taageero Imaaradka ay ku leeyihiin Magaalada Cadan.

Saraakiil u hadashay Golaha kumeel gaarka ah ee gooni u goosatada ayaa beeniyay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa Xaruntooda Cadan,waxaana uu xusay in sida ka muuqata la weeraray xarunta la dagaallanka Argagixisada ee Magaalada Cadan.

 

Warbaahinta ay wararkooda ku soo bandhigaan Daacish ee Acmaaq ayaa sheegtay in weerarkan uu yahay markii ugu horreysay ee ay Daacish weerar ka fuliso Dalka Yemen.