{DAAWO SAWIRADA} 110; Gabdhood ayaa lagu la’yahay Gacanta Kooxada Boko Haram,Wasiir

0
295

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in 110; Gabdhood ay dhawaan afduubteen Kooxda Boko Haram ilaa iyo hadda la la’yahay halka ay qabteen.

 

Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka ee Dalkaasi Nigeria Al-xaaji Layi Maxamed ayaa sheegay in 110 Gabdhood ay ku maqanyihiin gacanta Kooxda Boko Haraam,kuwaas oo dhawaan weerar ku qaaday Dugsi ay dowladda leedahay oo ay Gabdho kaliya dhiganayeen.

 

 

Qoysaska Gabdhaha laga afduubtay Magaalada Dapchi ayaa waxaa ay siidaayeen Magacyada 105 Gabdhood oo ka mid ah 110ka Gabdhood ee ku maqan gacanta Kooxda Boko Haram.

 

Wakaaladda Wararka ee Dowladda Nigeria ee NAN ayaa waxaa ay sheegtay in Gabdhaha lagu weeraray Dugsi lagu barto cilmiga farsamada oo ay dowladda maamusho.

Guddoomiyaha Gobolka Yobe oo Dugsigaasi uu ku yaallo ayaa shaki geliyay weerarkaas in ay wax ka ogaayeen Ciidamada dowladda maaddaama markii ay banneeyeen barihii koontaroolka uu weerarkaas dhacay islamarkaana la afduubtay Gabdhaha.

 

Taliska Milatariga ayaa beeniyay eedda Guddoomiyaha waxaana uu mar milatarigu sheegay in uu badbaadiyay 76 gabdhood,taas oo u muuqata in ay been ahayd.

 

Waaliddiinta Gabdhahaas ayaa hadda billaabay olole Baraha Bulshada oo la mid ah kii 2014kii ee ahaa “Dib noogu soo celi gabdhaheenna”.

 

Madaxweynaha Nigeria Maxamadu Buhari ayaa weerarka lagu afduubtay gabadhahaas ku sheegay musiibo qaran,waxaana uu xusay in ciidamada dowladda ay ku dadaalayaan sidii ay gabdhaha uga furan lahaayeen Al-shabaab.