{DAAWO SAWIRADA} Al-bayrak oo Dekeda ka soo saartay qashin iyo Burburka Maraakiib

0
231

Muddooyinkii dambe Waxaa Dekeda weyn ee Muqdisho ka soconayay howlo dib u habeyn iyo nadaafad ah oo bilicda Dekeda lagu soo celinaayay.

 

Sidoo kale waxaa soconaayay in gudaha dekeda laga soo saaro maraakiibta burbursan ee dhex taalla gudaha iyo in badda Ciida badan laga saaro.

 

Maamulka Shirkada Al-Bayrak ee gacanta ku haya Dekeda ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay qashin iyo Maraakiib burbursan oo gudaha Dekeda laga soo saaray.

Maamulaha Shirkada Al-Bayrak ee Dekeda Muqdisho Sami Eroal ayaa Warbaahinta u sheegay in ay sii wadayaan bilic soo celinta Dekeda weyn ee Muqdisho.

 

 

Maamulaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Shirkada Al-Bayrak wado qorshayaal lagu hormarinayo Dekeda, sidoo kale dib loogu soo celinayo quruxdii ay lahaan jirtay.