Waxaa aad u liidato xaalada waxbarashada dagmada bullo burte ee Gobolka hiiraan kadib mudo dheer oo ay go doonsan tahay dagmadaas,
Qaar kamid ah iskuulada ay wax ku bartaan Caruurta Bullo burte ayaa aad u bur bursan halka kuwa qaarna ay yihiin kuwa ka sameysay Mardhis kuwaas oo aan celin karin kuleylka cad ceeda maalintii,
Dugsiga hoose dhaxe ee Actoobar waxaa u ku yalaa dagmada Bullo burte waxa ax kabarto in kabadan 400 oo arday kuwaas oo kamid ah qoysaska Danyarta ah ee ku nool Xafadaha Magalada Bullo burte,
Maamulaha Iskuulka Actoobar Cismaan Farax Cadde ayaa shegay in ay daruufo adag ay so wajahday xalada Waxbarashada Dagmadooda haba ugu darnaatee Iskuulkooda oo hada aad u bur bursan,
Cismaan Farax Cadde ayaa shegay in wax xiriir ah uusan kala dhaxeynin wasarada waxbarashada soomaaliya iyo Mida hirshablle waxana uu intaa raaciyay in ay dayaceen kaalintii loga bahnaa ee aheyn ka warqabida Baahiyaha waxbarasho ee Dagmadooda,
Gudoomiayah Dagmada Bullo burte Cabdi daahir Guure oo dhawaan booqday Dugsiyada waxbarashada Bullo burte ayaa qiray dhibaatada ka jirto xarumaha wax lagubaro ardayda in ay yihiin kuwa bur bursan,
Waxaa mesha ka baxay kaal madii laga heli jiray hayadaha Samafalka ee ka howlgali jiray Magalada iyo Taageerada Dowlada Soomaaliya iyo mida Maamulka Hirshabelle,waana mida uga sii dartay in goobaha waxbarashada ay bur buraan,:- Ayuu Yiri Gudoomiayaha Dagmada Bullo burte Cabdi Daahir Guure,
Tan iyo Markii ay Godoomiyeen Al shabab Magalada Bullo burte ee Gobolka hiiraan waxaa mesha ka baxay adeegyo badan oo muhiim u ahaa shacabka kunool dagmadaas,
Shariif Shuuriye Xaanshi
Radio Hiranweyn Bullo burte