{DAAWO SAWIRADA} Jaamacada Hiiraan Oo Tartan Ciyaaraha Kubada Cagta Ah Ka Furtay Magaalada Baladweyne.

0
648

Maamulka Jaamacada Hiiraan ayaa Galabta Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ka daah furay Tartanka kubada Cagta oo ay ka qeeyb Galayaan ilaa 10 kooxood oo kamid ah ardada wax kabarato Kuliyadaha kala duwan ee jaamacada.

Goobta Tartanka lagu daah furayey ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xubno ka socday Gudiga Ciyaaraha Heer gobol iyo heer Dagmo ururka Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Boqolaal dhalinyaro ah oo ka kala yimed Xaafadaha Magaalada.

Qaar kamid ah Maamulka Jaamacada Hiiraan ayaa sheegey in ujeedka Tartankani oo yahay is dhax galka Bulshada iyo in ay is bartaan ardada wax ka barato 3 Xarumood ee jaamacada ay leeyahay waxaana ay  Ciyaartooyda ugu baaqeen in ay soo bandhigaan hab Ciyaareed wanagsan.

Masuuliyeen ka Socday Gudiga Ciyaaraha Gobolka Hiiraan iyo ururka dhalinyarada Gobolka ayaa bogaadiyey Maamulka iyo ardada wax-kabarato jaamacada  Hiiraan sida ay uga qeeyb qaadanayaan is dhaxgalka bulshada ku nool Magaalada Baladweyne .

Waa Sanadkii Sadaxaad ee jaamacada Hiiraan ay u qabato ardada wax kabarato kuliyadaha kala duwan ee jaamacada tartanka is dhaxgalka bulshada Gobolka Hiiraan

 

SAWIR QAADE CABDI AXMED XUSEEN 

BY RADIO HIIRAANWEYN