{DAAWO SAWIRADA} Kooxda Espanyol Oo Guuldaro Dhabarka U Soo Saartay Real Madrid

0
373

Kooxda Espanyol ayaa ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay guuldaro xanuun badan soo baday kooxda Zinedine Zidane ee Los Blancos oo iska lumisay fursad ay ku sii wadan karta horumarkii waynaa ee ay ku soo socotay. Inkasta oo uu Zidane isbadal badan ku sameeyay shaxdiisa isla markaana uu ka fikirayay sidii uu nasiino u siin lahaa qaar ka mid ah xidigaha kooxdiisa ayay Espanyol heshay guushii ugu horaysay waqti dheer kadib markii ay Madrid guuldarooyin xidhiidh ah kala soo kulmaysay.

 

 

Gerard Moreno ayaa goolka guusha Espanyol u dhaliyay ilbidhiqsiyadii ciyaarta ugu danbeeyay taas oo Madrid ku reebtay xanuun wayn maadaama oo ay waqtigan Madrid awoodeeda iskugu gaysay sidii ay goolka guusha ku keensan lahayd. Guulada Madrid soo gaadhay ayaa la micno ah in Valencia ay markale haysato in ay kaalinta saddexaad la soo noqoto.

DAQIIQADII 14 AAD Real Madrid ayaa ku dhawaatay in ay hesho goolka furitaanka kadib markii uu Isco darbo ku tuuray goolka Espanyol laakiin waxaa fursadan xidiga ree Spain ka beeniyay Diego Lopez kaas oo si fiican kubbada iskaga joojiyay.

DAQIIQADII 26 AAD Espanyol ayaa heshay fursad cajiib ah kadib markii uu Varane si liidatay iskugu dayay in uu kubbad uga saaro xerada ganaaxa kooxdiisa, waxaana kubbada markiiba dhexda ka soo celiyay Carlos Sanchez kaas oo Morenoku saaray goolka Madrid laakiin Navas ayaa awooday in uu jidhkiisa u adeegsado si uu kubbada u dhinac mari goolkiisa laakiin garsooraha ayaan wax koorne ah tilmaamin.

 

DAQIIQADII 30 AAD Espanyol ayaa soo taabtay shabaqa Real Madrid kadib markii kubbad laysku celceliyay uu Morenougu danbayn shabaqa ku taabtay laakiin calanwadaha ayaa tilmaamay in aanu ahayn gool sharci ah oo uu Moreno offside ku jiray laakiin adigu go’aami sawirkan eeg haddii uu gool ahaa iyo haddii uu Offside ahaa.

Kooxdee Qaybtii Hore ee Ciyaarta Xog Ahaan U Fiicnayd?

Real Madrid ayaa qaybtii hore ee ciyaarta ahayd kooxda xogta ugu muhiimsan ku saraysay laakiin taas waxayna uga faa’iidaysan in ay goolal u badasho. Boqolkiiba 67% ayay Real Madrid lahayd boosishanka qaybtii hore ee ciyaarta halka kooxda martida loo ahaa ee Espanyol ay haysatay boqolkiiba 33%.

Dhinaca kubbad dhiibista Real Madrid ayaa samaysay 333 baas ama kubbad isku dhiibis halka kooxda Espanyol ay qaybtii hore diwaan gashatay 164 kubbad isku dhiibis oo kaliya taas oo muujinaysa qaabka ay Los Blancos kubbad ahaan iyo booshishan ahaan ugu gacan saraysay.

Real Madrid ayaa qaybtii hore ee ciyaarta 5 darbo ku tuurtay goolka Espanyol laakiin laba ka mid ah oo kaliya ayaa bartilmaameed noqday kuwaas oo aan wax goolal ah lagu keenin halka kooxda Espanyol ay samaysay 3 darbo oo kaliiya waxaana ka mid ah midka uu Moreno goolka offsideka loo diiday uu ku dhaliyay laakiin labada jeer ee kale waxay la seegtay bartilmaameedka.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda uu Zidane kulankan u soo xushay ayaan ka faa’iidaysan fursadihii iyo kubbad hayntii badnayd ee ay qaybtii hore lahayd iyada oo Espanyol marar badan halis ku abuuraysay weeraro deg deg ah waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Espanyol soo laabtay iyada oo ku socota dardar ka fiican sidii ay qaybtii hore ahayd waxayna u muuqatay mid kalsooni ka heshay in Real Madrid ayna goolal keensan qaybtii hore.

DAQIIQADII 49 AAD Birta Goolka! Espanyol ayaa ugu dhawaatay in ay hesho goolka furitaanka ciyaarta kadib markii koorne la soo tuuray uu Duarte  madaxa ku darbeeyay isla markaana uu si fiican u garaacay goolhaye Navas laakiin birta goolka ayaa Duarte  iyo kooxdiisa Espanyol goolkan ka beenisay.

Inkasta oo ay Espanyol ay dardar xoogan ku soo laabtay waxay markeeda ku fashilantay in ay fursado ay heshay ka faa’iidaysato waxayna ugu danbayn Real Madrid ku soo noqotay qaabkii ay ciyaarta u maamulaysay balse ay wali ka maqnayd dhamaystirku.

DAQIIQADII 69 AAD Zidane ciyaarta ka saaray Isco wuxuuna kaydka uga yeedhay Karim Benzema si uu weerarkiisa bilaa awooda ahaa uu ugu xoojiyo laakiin Espanyol ayaa kaga jawaabtay in kaydka laga soo kiciyay Granero waxaana la saaray Víctor Sánchez.

Ciyaarta ayaa noqotay mid laysku mari waayay wuxuuna daqiiqadii 81 aad Zidane ciyaarta ka saaray Gareth Bale oo aan habeen fiican qaadan isaga oo kaydka ka soo kiciyay Dani Ceballos  laakiin Espanyol ayaa markan ahayd kooxda halista ugu wayn ku haysay Madrid in ay keensato goolka furitaanka.

DAQIIQADII 90 AAD ee dhamaadka ciyaarta Zidane ayaa da’yarka Borja Mayoral  ciyaarta ku soo tuuray si uu fursada gool dhalyaashiisa u badiyo waxayna Madrid bilawday in ay si ay noqotoba goolka guusha raadiso halka Espanyol oo fursado badan lumisay ay markan doonaysay in ay goolka guusha Madrid ku qalbi jabiso.

DAQIIQADII 93 AAD ee dhamaadkii saddex daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayay Espanyol heshay goolka ay Real Madrid murugada ugu abuurtay waxaana goolkan u saxiixay Gerard Moreno oo hore ugu doodayay in laga diiday gool aan offside ahayn waxaana caawinta goolkan sameeyay Sergio García  iyada oo ciyaartu noqotay 1-0 ay Espanyol goolka guusha ku heshay ilbidhiqsiyadii ciyaarta ugu danbeeyay.

Iyada oo Real Madrid awooda saaraysay in ay hesho goolka guusha isla markaana uu Sergio Ramos ka mid ahaa xidigaha goolkan raadinayay ayuu Sergio García kala dhantaalay difaaca Madrid isaga oo Moreno siiyay goolka wadno xanuunka ah kubbada uu ku dhaliyay.

Espanyol ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta awood badan muujisay iyada oo Real Madrid aan qaybtii labaad ku soo noqon dardartii laga filayay waxayna taasi keentay in saddexdii dhibcood ee uu Zidane kulankan ka doonayay ay Espanyol xaday waqtigii dhimashada ee dhaamaadka ciyaarta.Guuldarada soo gaadhay Madrid waxay la micno tahay in Valencia ay markale kaalinta saddexaad la wareegi karto.