Madaxweynaha dowlada Galmudug Ahmed Ducaale Xaaf ayaa goor dhow soo gaaray Magaalada dhuusamareeb oo caasimad u ah maamulka galmudug.
Madaxweyne xaaf waxaa garoonka kusoo dhoweeyey madaxa xukuumada galmudug sh shaakir , saraakiil sarsare oo ciidamada ka socday iyo kumanaan dadweyne ah
Madaxweyne xaaf ayaa ujeedka imaatinkiisa ku sheegey taabo galinta maamul iyo kala dambeyn loo dhanyahay kaasoo ah mid ka wax ka badali karo deeganada galmudug
Heshiiska ay gaareen galmudug iyo maamulkii halkaan ka jiray ayaa wax badan ka badaley sawirka guud ee jiritaanka galmudug waxayna u muuqataaa qorax arooryaad oo soo if baxday
Madaxweyne xaaf ayaa balan qaadey in uu joogayo magaalada Dhuusamareeb ayna yaraan doonaan safaradiisa ama maqnaantiisa
Isagoo intaa raaciyey in labilaabayo dhamaan mashaariicdii madaxweynuhu dhagax dhigey,
Xigasho Sawirada Cabdulaahi Warsame Rooble