Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa barbaro 1-1 ku kala nastay qeybta hore kulanka ka socda Old Trafford.
Kulankan waxaa isku jawaabay Willian iyo Lukaku, iyadoo 45’daqiiqo ee hore lagu kala nastay barbaro 1-1.
Blues oo marti ahayd ayaa goolka la horreysay waxaana u dhaliyey 32’daqiiqo Willian, kaddib baas dhex bixis ah oo uu ka helay Eden Hazard, kulanka ayaana sidaas ku noqday 1-0 looga gacan sarreeyey Man Utd.
Laakiin 7’daqiiqo kaddib goolkaas, 39’daqiiqo waxaa kooxda martida loo ahaa ee Manchester United goolka barbaraha u dhaliyey Weeraryahankeeda Romelu Lukaku, kaddib baas uu ka helay Anthony Martial oo sii dhacaya, kulanka ayaana sidaas loogu kala nastay barbaro 1-1.
15 kulan oo ay kooxda Chelsea goolka hore dhalisay kulan ka tirsan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan dhammaan 15-ka kulanba waa ay badisay.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA