{DAAWO SAWIRADA} Markii Ugu Horeeysay Mudo ka Badan 20 Sano Ololo Caafimad Oo Laga Sameeyey Buulo Burde

0
234

Maamulka Degmada Buulo Burde iyo dhaqaatiirta Degmadaasi ayaa bilaabay ololo caafimaad oo loogu magic-daray Ogow dhiigaada adoo caafimaad qabo waxaana ka faa’ideeystay bulshada degmada.

Ujeedka Ololahan ayaa waxa ay ku sheegen in dhibaatooyin badan loo maro markii dhibaato ay dhacdo ama bukaan dhiig loo raadinayo .

Qaar kamid ah dhaqaatiirta Howshan fulineeysa ayaa sheegey in ay tahay arin muhiim ah qof walba oo ku nool degmada uuna ka faa’ideeysto si aanan waqti badan hadhow u qaadan markii loo baahdo dhiiga.

Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde Cabdi Daahir Guure oo qeyb ka ahaa ololahan caafimaad ayaa sheegey in markii ugu horeeysay mudo ka badan 20 sano ah ololahan laga sameeyey manta Buulo Burde waxaana uu sheegey in nasiib ay u yeeshen shacabka degmadaas.

Cabdi Daahir Guure ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka faa’ideeystaan ololahan oo si lacag la’aan ah bulshada looga faa’ideeynayo hada.

Waa Markii ugu horeeysay mudo 20 sano ka badan ololo ceeynkan oo kale laga sameeyo Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan waxaana arintan Fududeeyey Maamulka Degmadaasi