Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Saddex sano ka dib Soomaali Ka baxsatay gacanta Magafayaasha Hadda Xaaladooda Caafimaad Ay Wanaagsantahay

Published on February 15, 2018 by   ·   No Comments

Dhalinyaro aan tiro yareen oo Soomaali ah ayaa dhibaatooyin kala duwan kala kulma magafayaasha ku sugan qeybo ka mid ah wadanka Libya kuwaasi oo dhalinyarada tahriibeysa u geysta dhibaatooyin isugu jira dil, jirdil, xabsi, sabab la xiriirta in ay ka qaataan lacag madax furasho ah, magafayaashan ayaa dadka qaar sii heysta marka ay lacagta ka qaataan si lacago kale ay ugu sii helaan  halka kuwa kale ay sii daayaan marka laga siiyo lacagihii ay waydiisteen.

 

Safaarada Soomaaliya ee Libya, iyo Hey’adaha IOM, iyo UNHCR ayaa la tacaalayo sidii ay caawimaad u heli lahaayeen dadka ka soo badbaado magafayaasha iyo kuwa kudhibaateysan Magaalooyinka Bin- Walid iyo Caasimada Libya, dadkaasi oo lagu qiyaasay in ku dhaw 5,000 in kastoo aan laheyn tiro koob sax ah, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddo afar cisho kahore u diray Libya wafdi ka kooban Safiirka Soomaaliya u fadhiya Libya, Cali Saciid Fiqi, Ergiga Xukuumada Soomaaliya u qaabilsan illaalinta Xuquuqda Tahriibayaasha Maryan Yaasiin Xaaji, iyo gudoomiyaha Gudiga Axmed Daahir Nuur,  wafdigani waxa ay la kulmeen Xubno ka tirsan dowlada Libya, IOM, UNHCR iyo Safaarada Libya waxa ay kala hadleen dhibaatooyinka Soomaalida ay u geystaan raga magafayaasha ah iyo sidii Soomaalida Libya ku nool ay caawimaad u heli lahaayeen si wadanka loogu celiyo ama meeshooda loogu abuuro fursado shaqo.

Wafdiga ayaa muddada ay joogaan booqan doono meelaha ay Soomaalida ku badan yihiin, dhanka kale  waxa ay kulmeen labo wiil oo muddo saddex sano ah gacanta ugu jiray magafayaasha loo taag la’yahay, wiilshan ayaa la geeyay isbitaal si ay daryeel caafimaad u helaan maadaama ay muddo dheer gacanta ugu jireen kooxahaasi.

Maryan Yaasiin Xaaji oo qeyb ka ah Wafdiga ahna Ergiga Xukuumada u qaabilsan illaalinta Xuquuqda Tahriibayaasha ayaa sheegtay in ay dadaal xoogan galinayaan sidii dhalinyaradaasi looga soo badbaadin lahaa gacanta magafayaasha, in kastoo ay xustay in aysan ku dhiiran Karin in ay la kulmaan kooxahaasi maadaama ay yihiin jabhad hubeysan.

Ergiga Gaarka ah ee Xukuumada u qaabilsan Xuquuqda Tahriibayaasha Maryan Yaasiin Xaaji ayaa sheegeysa sida tahay xaaladda Soomaalida ku nool Libya iyo wax ay kala socdaan gaariga ku gadoomay Magaalo la yiraahdo Bin- Waliid oo ka tirsan dalka Libya Nasriin Maxamed ayaa ka wareysatay arrimahaasi iyo kuwa kale Maryan iyo Wafdigooda xili ay  joogaan Libya.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Sida loogu so dhaweyay Ra’iisul Wasaare Kheyre Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ka Warbixiyey Safarkiisa Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...