{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Asluubta Oo Bilaabay Shaqadii Ugu Horeysay

0
307

Taliyaha cusub ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta booqday Xabsi cusub oo si caalami ah u dhisan, kaasi oo dhismahiisa uu marayo heer gabogabo ah, lana qoraheynayo in dhowaan uu shaqo bilaabo.

 

 

Taliyaha ayaa soo indha indheeyey halka uu marayo mashuuraca dhismaha Xabsigaan, waxaana uu xog wareystay injineeradq gacanta ku heyso dhismaha.

 

 

Xabsigaan, ayaa ku yaalla KM7 ee duleedka Magaaladda Muqdisho, waxaana uu dhismihiisa bilowday Sanadkii 2015, xilligaasi oo taliye Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ka ahaa S/guud Bashiir Maxamed Jaamac oo hadda mar kale Xilkaasi loo magacaabay.