{DAAWO SAWIRADA} Wasiir ku Xigeenka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Hirshabeelle Oo Booqday Garoonka kubada Cagta Ee Laqanyo

0
341

Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada.dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Maamulka Hirshabeelle oo ay wehliyeen bahda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayaa Manta Kormeeray Garoonka kubada Cagta ee Laqanyo oo ku yaalla duleedka magaalada Baladweyne.

 

 

Ujeedka Booqashada Garoonka ayaa ah Sidee loo dayactire lahaa Garoonka loona dalbanayey  in Garoonka Roog lasaaro Madaama Garoonka uu yahay mid u muhiim ah Ciyaartooyda Gobolka Hiiraan waxaana  ka muuqato dayacnaan aad u baahsan garoonka gudahiisa ayaa waxaa ka dhax baxay geedo waxaana is badalay Muuqalka Garoonka.

 

 

Qaar kamid ah Bahda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo Goobta ka hadlay ayaa sheegey in garoonka ay haysato dhibaatooyin kala duwan loona baahan yahay in wax looga qabto iyagoona sheekey la uu dayacan yahiin Ciyaarahii Gobolka oo aanan laheeyn meel lagu qabto Tartamo.

 

 

Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada.dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Maamulka Hirshabeelle Muumin Tuure Cabdullaahi ayaa sheegey in uu aad uga xun yahay muuqaalka Garoonka iyo dayacnaanta ka muuqato waxana uu Balan qaaday in uu kala hadle doono cid walba oo masuuliyad ka saran yahay si gaar ah wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada Soomaliya iyo Madaxweynaha Hirshabeelle .

 

 

Kormeerkan Manta uu ku tagay Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada.dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Maamulka Hirshabeelle Muumin Tuure Cabdullaahi ayaa qeeyb ka ah Goobaha Muhiim ka ah ee uu booqanayey Wasiirka inta uu joogay Magaalada Baladweyne

 Cabdi Axmed Xuseen 

Radio Hiiraanweyn Baladweyne