{DAAWO SAWIRADA} Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashada Hirshabeelle Oo Booqday Iskuulada Ee Baladweyne

0
814

Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada iyo dhalinyarada Ciyaaraha Maamulka Hirshabeelle ayaa Manta Booqday Iskuulada Dugsiyada Sare ee ku Yaala Magaalada Baladweyne ujeedka Booqshada Wasiirka ayaa aheed mid lagu dheera galinayey Maamulka Macalimiinta iyo Ardada  waxkabarata Xarumaha waxbarasho eek u yaalla Magaalada.

Iskuulada Manta wasiirka Booqday ayaa waxaa kamid ah Iskuul Baladweyne Al.aqsa Cumar bino Qadaab iyo iskuulka Mujamac qaar kamid ah Maamulayaasha iskuuladaasi ayaa si aad ah usoo dhaweeyey wasiirka iyagoona Bogaadiyey Howsha uu Bulshada Reer Hirshabeelle u Haayo.

Qaar kamid ah ardada wax-kabarato iskuulada oo booqday wasiirka ayaa weydiiyey Su’aalo ku saabsan Hormarinta waxbarashada iyo in si saami ah loo qeeybiyo minxooyinka waxbarasho ee kusoo aada Hirshabeelle.

Muumin tuure cabdullaahi  Wasiirka ku xigeenka Waxbarashada dhalinyarada Ciyaaraha Hirshabeelle ayaa si aad ah uga mahad ciliyey Maamulayaasha iskuulada ee uu sheegey in ay haayan Howl-aad u wanagsan loona baahan yahay in lagu abaal-mariyo

Wasiirka ayaa sheegey in wasaaradiisa waxbarashada ay muhiimad gaar ah siin doonto Goobaha waxbarasho ee deegaanada Maamulka waxaana uu si gaar ah sheegey in si cadaalad ah loo qeeybin doono Minxooyinka Hirshabeelle sanadkan kusoo aada.

Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada iyo dhalinyarada Ciyaaraha Maamulka Hirshabeelle oo mal mahan booqasho ku joogay Baladweyne ayaa kulamo waxa uu la qaatay dhalinyarada Magaalada iyo bahda waxbarashada kuwaas oo kala hadlay Hormarinta waxbarashada Hirshabeelle.

   

Cabdi Axmed Xuseen 

Radio Hiiraanweyn Baladweyn