{DAAWO SAWIRO} Cusub Oo Laga Soo Qaaday Goobtii Qaraxii ka dhacay Muqdisho

0
625

Bur bur aad u xoogan ayaa ka muuqdo goobtii xalay uu qaraxa ka dhacay ee Isgoyska Jubba, meel ku dhaw Hotelka Dorpin ee Magaalada Muqdisho.

Dad badan oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, waana meesha dowladda ay sheegtay khasaaraha ugu badan ee shacabka inuu ka dhashay, maadaama dad badan halkaasi ay maraayeen.

Suxufiyiinta oo saaka booqday goobtii ay wax ka dhaceen ayaa waxa ay soo arkeen bur burka dhismayaal badan oo qaraxa uu saameeyay, maadaama qaraxa gaariga loo adeegsaday uu ahaa mid culus