Darawalkii Gudoomiyaha Degmada Kaxda Oo Goordhow La Dilay

0
553

Warka Naga sogaarayo Magalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in goordhow Gudaha degmada Hodan lagu dilay Darawalkii Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir oo lagu Magacaabi jiray Cabduqaadir Carab.

 

Dilka Darawalka ayaa waxaa sida ay sheegeen dadka deegaanka  ka dambeeyay Askari ka tirsan ilaalada Gudoomiyaha degmada Kaxda xili ay ku suganayeen Xaafad ka mid ah degmada Hodan.

 

Gudoomiyaha degmada Kaxda oo aan la xiriirnay ayaa waxa uu sheegay in falkaasi uu ku dhacay si kam ah haatana ay ku mashquulsan yihiin sidii meydka loo aasi lahaa.

Warar kale oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in dilka ka hor uu jiray muran dhex maray askariga iyo Darawalka Gudoomiyaha degmada Kaxda ee la dilay haatana Gacanta lagu dhigay Askarigii ka dambeeyay dilka kuna xiran yahay Saldhiga degmada Waaberi.