DF oo sheegtay in horumar laga sameeyay ka hortaga Musuq maasuqa

0
230

Dowladda Soomaaliya oo u muuqata in ay iska indha tireyso warbixin shalay ay soo saartay Hay’adda Transparency International ayaa sheegtay in Horumar balaaran laga sameeyay ka hortaga Musuq maasuqa.

Warbixin Hay’addu ay soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay in wali Soomaaliya ay kaalinta Koowaad kaga jirto dalalka ugu Musuq maasuqa badan Caalamka.

Balse warkaas mid ka duwan waxaa sheegaya Hantidhowraha Guud ee Qaranka Maxamuud Maxamed Cali, wuxuuna tilmaamay in Musuqa keliya uusan aheyn lacag meel laga qaado balse ay jirto dhowr meelood oo laga fiiriyo oo ay ka mid yihiin Dowlad Wanaagga, Hab  wanaagga iyo Caafimaadka.

Wuxuu sheegay Hantidhowraha sanadkii la soo dhaafay Soomaaliya in Musuqa ay kaga jirtay kaalinta Hoose, balse wuxuu sheegay sanadkan ay sameysay horumar oo ay kor u soo kacday.

Liiska ay Hay’addu soo saartay ee dalalka ugu musuqa badan dunida waxaa kaalinta 1-aad kaga jira Soomaaliya, liiskan sannadlaha ah ayaa dhinacyada uu qiimaynta ka eego waxaa ka mid ah laaluushka iyo madaxda oo aan lagu ciqaabin musuq maasuqa.

Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed ayaa warbixinta lagu sheegay in ay yihiin dalalka ugu Musuq maasuqa badnaa Sanadkii lasoo dhaafay, waxaana la siiyay dhibo dhan ah 9 oo Soomaaliya ah iyo 12 oo ah Suudaanta Koonfureed.

Musuq maasuqa ayaa dhibaato weyn ku ah dalalka ku yaalla Afrika ee ka hooseeya saxaaraha Afrika sida ay sheegayso hay’ada la dagaallanta Musuq maasuqa.