{DHAGEEYSO} Maxaa Ka Jira In Mid Ka Mid Ah Wasiirada Soomaaliland Ay Muqdisho U Timid Lacag Laga Dhacay

0
210

Maalmihii la soo dhaafay inta badan Warbaahinada deegaanada Maamulka soomaaliland wax ay qorayeen in ay Muqdisho timid Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliland xiligii Madaxweyne Siilanyo Samsam Cabdi Aadan.

Wararka ku saabsan imaanshaha Muqdisho ee Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliland ayaa noqday hadalheynta ugu ballaaran ee deegaanada Soomaaliland iyada oo la sheegay in ay muqdisho u timid lacag looga lunsaday.

Samsam Cabdi Aadan oo la hadashay mid ka mid ah Warbaahinta deegaanada Soomaaliland ka howlgasha ayaa Warkaas ku tilmaamtay mid looga been abuurtay isla markaana uusan waxba ka jirin in ay tagtay Muqdisho.

Waxa ay sidoo kale hadalkeeda intaasi ku dartay in xiligaan aysan jirin lacag laga lunsaday oo ay raadisay,isla markaana aysanba heysan wax lacag ah,waxa ayna dalbatay in laga joojiyo Wararka been abuurka ah ee laga qorayo.

Ugu dambeyn wax ay sheegtay in hadda ay ku sugan tahay dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo ay u tagtay sababo dhanka Caafimaadka ah iyo in ay ku nasato.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maamulka Soomaaliland.