Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

{DHAGEYSO} Doorashada Kursi Ka Mid Ah Barlamaanka Soomaaliya Oo Ka Dhaceysa Kismaayo

Published on February 14, 2018 by   ·   No Comments

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa lagu wadaa in Khamiista Berito ah oo ku beegan 15/2/2018 ay ka dhacdo doorashada kuris ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya.

 

Kursigaan ayaa ah mid uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Wasiirkii Howlaha guud iyo Guryenta Xukuumadda Soomaaliya Cabaas Siraaji,iyada oo ay ku tartami doonaan musharixiin farabadan.

 

Shalay waxaa Kismaayo gaaray Xubno ay hogaamineysay Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yareey) taas oo shaacisay in doorashadaas ay beri ka dhaceyso Kismaayo.

Waxa ay sheegtay in Maaanta ay sameynayan iskudaba-ridka doorashadaas iyo sidii loo hubin lahaa Ergada wax dooraneyso,sidoo kalena ay ka fikirayaan dhanka Ammaanka.

 

Ergada wax dooraneysa iyo sidoo kale musharixiinta Kursigaas oo uu ka mid yahay Walaalka Mrxuum Cabaas Siraaji oo lagu Magacaabo ayaa ku sugan Kismaayo kuwaas oo doorashada isku diyaarinaya.

 

Gudiga doorashooyinka ayaa qorsheynaya in ay dhameystiraan doorashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka oo ay ka harsan tahay Saddex Kursi,waxaana dhawaan doorasho kursi ka mid ah Golaha Shacabka ay ku qabteen Jowhar ku guuleystay Nuur Iidow Beyle oo ka guuleystay taliyihii hore ee Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Ra iisulwasare Ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

February, 22, 2018
caasimadda dalka Turkiga soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo. Wafdiga Ra’iisul ...

Dhimasho iyo dhawac ka Dhashay Shil ka dhacay Wadada xiriirisa Garowe iyo Laascaanood

February, 22, 2018
Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku dhintay shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka ...