{DHAGEYSO} Wasaaradda Amniga oo kahadashay Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho

0
238

Weerarkan oo salaadii Maqrib kadib ka bilowday wadada Sayidka ayaa waxa uu soo gaaray ilaa xalay fiidkii 08:00 habeenimo, Ciidamada ammaanka iyo raggii weerarka soo qaaday ayaa waxaa dhexmaray dagaal kooban.

Intii uu weerarka socday ayaa waxaa dhacday laba qarax oo ka kala dhacay Taalada Dhagaxtuur iyo Hotelka Dorbin oo ku yaalla Agagaarka Isgoyska Jubba, waxaana qaraxyada dhacay loo adeegsaday Gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxyada dhacay waxaa ku geeryootay in ka badan 18 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 20 qof, oo isugu jira Askar iyo shacab, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Ibraahim (Xildhibaan) oo la hadlay VOA  ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in ay soo afjaraan weerarka, ayna dileen Shan nin oo uu sheegay in ay ahaayeen raggii weerarka soo qaaday.