DIB U XASUUSO: Lixdii qalad ee uu garsoore Tom Henning Ovrebo ka galay Chelsea semi-finalkii UCL sannadkii 2009!

0
596

Tom Henning Ovrebo  waa garsoorihii magaciisa lagu qoray diiwaanka taariikhda markii uu qaabkii ugu xumaa u garsooray lugtii labaad ee semi-finalka UEFA Champions League xilli ciyaareedkii 2008 illaa 2009 ciyaartaasoo dhexmartay kooxaha Chelsea iyo Barcelona.

Chelsea ayaa barbardhac 0-0 ah Barcelona kula soo gashay garoonka Camp Nou Stadium lugtii koowaad, habeenkii lugtii labaadna ciyaartu waxay kusoo dhammaatay barbardhac 1-1 ah, iyadoo Andres Iniesta uu Barcelona u dhaliyey goolkeeda muhiimka ah waqtigii dhimashada.

Laakiin taageereyaasha kooxda Chelsea abid ma iloobi doonaan garsoore Tom Henning Ovrebo iyo sidii uusan habeenkaas ugu caddaalad sameyn Chelsea. Waxaana jiray ugu yaraan afar rigoore oo sax ah oo laga diiday Chelsea.

DAQIIQADII 23AAD: Qalad Chelsea looga galay gudaha diilinta 18aad ayaa la dhigay bannaanka diilinta 18aad.

Dani Alves ayaa gudaha diillinta 18aad ku jillaafay Florent Malouda, garsooruhuna waa uu dhigay qaladkaas, laakiin bedelkii uu Chelsea u dhigi lahaa rigoore wuxuu keliya u dhigay laad xor ah.

DAQIIQADII 26AAD, Abidal ayaa jiiday maaliyadda Drogba dhulkana dhigay, iyadoo uusan garsoorku waxba u qaban.

Eric Abidal ayaa bartilmaameed ka dhigtay Didier Drogba halyeeyga Chelsea isagoo ku dhegay shaarkiisa, wuxuuna ku jiray gudaha diillinta 18aad, wax xiriir ah lama uusan sameyn kubadda, qaladkaasna looma dhigin Chelsea – waana rigoore kale.

DAQIIQADDII 55AAD: Yaya Toure ayaa jillaafay Didier Drogba balse sidoo kale kubadda ayuu taabtay.

Markale ayaa la legday Drogba, as Yaya Toure ayaana markaan dhulka dhigay halyeeyga ay isku qaranka yihiin balse kubadda ayuu la taabtay, inkastoo ay xaqiiqadu tahay in markii hore uu dhulka dhigay Drogba.

DAQIIQADDII 78AAD: Anelka ayaa dhulka la dhigay.

Markale ayuu Yaya Toure ku lug lahaaday qalad muran dhaliyey, Nicolas Anelka ayaa kubadda lasoo dhaafay isagoo xawaareynaya, balse dhulka ayuu dhigay isagoo riixay – garsoore Tom Henning Ovrebo ayaana indhaha istiray.

DAQIIQADII 81AAD: Gerard Pique ayaa kubadda gacanta ku taabtay isagoo ku jiray diilinta 18aad.

Anelka ayaa doonayey inuu kubadda la leexsado daafaca Barcelona, laakiin ninka reer Spain ayaa kubadda gacanta ku taabtay ka dibna sii bixiyey, garsooruhuna rigooradaas saxda ah uma dhigin Chelsea.

DAQIIQADII 95AAD: Kubad kale oo gacanta ah iyo diilinta 18aad – markaanse waa Eto’o.

Tani caan ayey noqotay maadaama ay keentay inuu geesigii Jarmalka Michael Ballack raacdeysto garsoore Ovrebo markii kubad uu laaday ay gacanta uga dhacday weeraryahanka kooxda Barcelona daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta, balse markale Chelsea waa loo diiday rigooradaas.