Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka wada Gobolka Gedo

0
322

Wararka naga soo gaaraya degaanka Faxfax dhuun ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay maanta ku dagaallameen Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo Ciidan ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Daahir Khaliif oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay  in Al-shabaab ay Miino la heleen Gaari raashin u waday Ciidamada wada socday kaddibna uu billowday dagaal fool ka fool ah.

Waxaa uu Daahir sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay ku adkaadeen dagaalka isaga oo sheegtay in ay gubeen 3; gaari oo ay wateen Al-shabaab sidoo kalena ay hub ka furteen Ciidamada Al-shabaab.

Daahir waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada Al-shabaab ay aadeen dhinaca Degmada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubada dhexe halkaas oo uu sheegay in hadda Ciidamada Kenya ay duqeyn diyaaradeed ka wadaan.

Al-shabaab ayaa dhinaceeda guul ka sheegatay dagaalka degaanka Faxfaxdhuun ee Gobolka Gedo halkaas oo 75km u jirta Degmada Baardheree,waxaa ay Al-shabaab sheegeen in Guddoomiyihii degaanka Faxfax dhuun ay ku dhaawaceen Gaadiid dagaal oo ciidanka Kenya ay wateenna halkaas ku gubeen.