Dowlada Kenya oo beenisay in ay bahdisho xubnaha ka baxa Al-shabaab.

0
276

Dowladda Kenya ayaa beenisay in ay xir xirto sidoo kalena si xun ula dhaqanto dadka Kenyaanka ah ee ka tirsanaa Al-shabaab kana  baxay.

Dowladdu waxaa ay dhawaan sheegtay in 40 Qof oo ka mid ahaa Al-shabaab ay gacanta ku dhigtay islamarkaana ay xarumaha dhaqan celinta u gudbisay.

Ururrada u dooda xuquuqda Aadanaha ee Magaalada Mombasa ayaa ku eedeyay dowladda in ay jir dil iyo gabood fallo kale u geysato dadka ka baxa Al-shabaab ee doonaya in ay dadkooda dib ugu laabtaan.

Kulan ay Magaalada Mombasa ku yeesheen hoggaamiyayaash gobolka ayey ku beeniyeen eedaha hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxaana ay sheegeen in eedda beddelkeeda ay si wanaangsan ula dhaqmaan dadka ka baxa AL-shabab.

Gobollada Bariga iyo Waqooyiga Kenya ayey Hay’aduhu sheegeen in ay ku dhuumanayaan dad badan oo ka baxsaday Al-shabaab,kuwaas oo ka baqaya in ay dowladda xir xirto,waxaana ay isugu jiraan Rag iyo Haween dhallinyaro u badan.

Agaasimaha Hay’adda Haki Africa , Yusuf Aboubakar,ayaa dowladda ku eedeeyay in ay  six un ula dhaqanto dadka ka baxaya Al-shabab sidoo kalena ay jebisay dastuurka Dalka Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Mombasa  William Kingi, sheegay in jaajuusidda Bulshada Muslimiinta ah ee ay Hay’adaha amniga ku hayaan ay tahay arrin qalad ah islamarkaana loo baahanyahay  in Booliska iyo Shacabka degaanka ay xirii dhow yeeshaan.