Dowlada Qatar oo Isbitaallada Muqdisho ugu deeqday Gaadiidka Gurmadka deg deg ah

0
226

Hay’adda Qatar Charity Xafiiskeeda Soomaaliya ayaa Gadiidka gurmadka deg deg ah  ugu deeqay qaar ka mid ah Isbitaallada ku  yaalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

 

Ambalaastaan ayaa la bixiyay  ka dib markii isbitaallo badan oo  ku yaalla Soomaaliya ay soo gudbiyeen  dhibaatooyin ba’an oo ka jira adeega gaadiidka bukaanka, gaar ahaan kiisaska degdega ah, maadaama baabuur badan aan loogu talagelin inay bixiyaan gargaar degdeg ah, taas oo sare u qaadday halista nolosha bukaano badan.

 

 

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Fawzia Abikar Nour, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan,  Safiir Ku Xigeenka Safaaradda Qatar ee Muqdisho Xasan Xasan Xamza, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgen Becker , dhowr xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, mas’uuliyiinta isbitaalka ka faa’iideystay adeegaasi ayaa ka qeyb galay Munaabsad lagu qabtay Muqdisho.

Dr. Fawzia Abiikar Noor waxa ay Ammaantay doorka Qatar ee  caawinta Soomaaliya, waxaana caddeeysay dadaalka bani’aadamnimada ee Qatar Charity iyo kaalmooyinka lagu yareynayo dhibaatooyinka dadka ay saameeyeen macaluusha iyo masiibooyinka dhammaan gobollada, waxaana ay sheegtay in gaadiidka uu waxbadan ka tari doono adeegga Caafimaad ee dalka.

 

Cabdul Nour Haji, Agaasimaha Hay’adda Qatar Charity  Xafiiskeeda Soomaaliya, ayaa uga mahadcelisay dadka Qadar taageerada joogtada ah ee ay u fidiyaan dadka Soomaaliyeed si ay u xakameeyaan dhibaatooyinkooda.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca Qaraxyo geysta Khasaare badan, waxaana marar qaarkood dhacda in gaadiidka gurmadka deg deg ah aysan daboolikarin dhibaatooyinka qaraxyadda ka dhasha.