Dowlada Sucuudiga oo shaqadii ka joojiyay Taliyayaashii Ciidanka

0
228

Wareegto ka soo baxday Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa waxaa shaqadii looga eryay Taliyayaal sar sare oo ka mid ahaa Milatariga Dalkaas oo uu ka mid yahay Madaxii Ciidamada ee Dalka Sucuudiga.

Abdul Rahman bin Saleh al-Bunyan ayaa laga qaaday Taliyaha guud ee Ciidanka Dalka Sucuudiga,waxaana lagu beddelay Fayyad al-Ruwaili.

Waxaa sidoo kale la beddelay Taliyayaashii Ciidamada Cirka iyo dhulka,iyada oo la magacaabay Raggii beddelayay,wareegtada ka soo baxday Boqor Salmaan laguma sheegin sababta xilka looga qaaday taliyayaasha Ciidamada ee dalka Sucuudiga.

 

Wiilka uu dhalay Boqor Salmaan ee Mohammed bin Salman oo ah dhaxal sugaha hadda ayaa la rumeysanyahay in uu ka dambeeyo isbeddelka lagu sameeyay Talisyada Milatariga Dalka Sucuudiga.

Dowladda Sucuudiga waxaa ay dagaal uga jirtaa Dalka Yemen kaas oo Bisha march ee soo socota gelaya Sanadkiisii 4aad iyaga oo Dagaalka Yemen ku biiray Sanadkii 2015kii.