Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay wada hadalka Itoobiya iyo ONLF

Published on February 15, 2018 by   ·   No Comments

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa 11-kii bishan February 2018 ka furmay Shir u dhaxeeya Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya iyo Jabhada lagu magacaabo ONLF ee ka dagaalanta dhulka Ismaamulkaasi.

 

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaya xubno ka tirsan ONLF, Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya Maxamed Cabdi Cumar, Saraakiil ka socota Dowladda Itoobiya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

 

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka hadashay wada hadalkan maalamahan socda ee u dhaxeeya Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya iyo Jabhada lagu magacaabo ONLF.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay wadahadal kasta oo keenaya Nabad, Xasilooni iyo Wanaag in ay soo dhaweynayaan oo ay taageerayaan.

 

“Annaga waxaan u arkeynaa Wadahadal kasta oo Nabad, Xasilooni iyo Wanaag u keenaya Gobolka, faa’iidana u leh waan soo dhaweyneynaa, waana taageereynaa.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Nairobi dalka Kenya  ee la xiriira wadahadalkan ayaa waxa ay ku waramayaan in dhinacyadan qodobada qaar ay isku fahmi la’yihiin shirkana uu qarka u saaran yahay inuu hakad galo.

 

ONLF oo ah jabhad hubaysan ayaa waxa ay u dagaalamaan xuriyada deeganada Ismaamulka Somalida dalka Itoobiya, waxaana ka xiran maxaabiis badan oo jabhadaasi ka tirsan.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Ra iisulwasare Ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

February, 22, 2018
caasimadda dalka Turkiga soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo. Wafdiga Ra’iisul ...

Dhimasho iyo dhawac ka Dhashay Shil ka dhacay Wadada xiriirisa Garowe iyo Laascaanood

February, 22, 2018
Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku dhintay shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka ...