Duqeyn lagu bur buriyay saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

0
335

Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee gobbolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal iyo ciidamo ajanabi ah oo aanan wali la aqoonsanin ay waaberigii Talaadada  Maanta weerar ku burburiyeen Saldhig  Ururka Al-Shabaab halkaasi ku lahaayeen.

Duqeyntan ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday xero Millitari oo ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin degmada.

Goob joogayaal ku sugan Jamaame ayaa sheegay in saakay aroortii mar qura ay ku soo tooseen iyada oo jawiga uu is bedelay, islamarkaana dhanka saldhiga ay ka maqlayeen dhawaqa Rasaas xoogan iyo guuxa diyaaradaha, taasi oo dadka qaarkood ku qasabtay in ay barakac sameeyaan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya xilliga ay duqeynta dhaceysay in saldhiga ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo  waday qaban qaabo ku aadan shir magaalada Jamaame uga furmaya saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku waramay sida tan “Weerarka wuxuu ka dhacay meel u jirta degmada Jamaame 5-KM, xero Shabaab ay degan yihiin ayay aheyd, lama ogaan karo khasaaraha dhabta ah, halkaasi waxaa isugu yimaada saraakiisha Al-shabaab, dadka degaanka Duqeyntan way saameysay, cabsi ayeey muujiyeen, shacabka qaarkood barakac ayeey sameeyeen, gabi ahaan waxaa xiran isu socodkii magaalada.

Ilaa hadda lama oga dalka laga leeyahaya diyaaradahan duqeynta fuliyay, sidoo kale waxaanan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Duqeyntan, maadaama xilli aroor ah ay aheyd.