EPL: Kooxda Man United oo garoonka Old Trafford guul soo laabasho ah kaga gaartay Chelsea

0
281

Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul 2-1 kaga gaartay Chelsea oo ay ku soo dhaweysay kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Kulankan waxaa isku jawaabay Willian iyo Lukaku qeybta hore, iyadoo 45’daqiiqo ee hore lagu kala nastay barbaro 1-1.

Blues oo marti ahayd ayaa goolka la horreysay waxaana u dhaliyey 32’daqiiqo Willian, kaddib baas dhex bixis ah oo uu ka helay Eden Hazard, kulanka ayaana sidaas ku noqday 1-0 looga gacan sarreeyey Man Utd.

Laakiin 7’daqiiqo kaddib goolkaas, 39’daqiiqo waxaa kooxda martida loo ahaa ee Manchester United goolka barbaraha u dhaliyey Weeraryahankeeda Romelu Lukaku, kaddib baas uu ka helay Anthony Martial oo sii dhacaya, kulanka ayaana sidaas loogu kala nastay barbaro 1-1.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad waxa gacanta sare lahayd Man United oo ka wanaagsanayd sidii ay qeybtii hore ahayd, waxaana goolka guusha ay ku qaadatay u gacan geliyey Jesse Lingard oo bedel ku soo galay.

Romelu Lukaku ayaa bandhig cajiib ah soo bandhigay kulankan, isagoo gool dhaliyey midkalena dhiibay.

Goolka ay Man United guusha ku qaadatay waxaa 75’daqiiqo madax ugu dhaliyey Jesse Lingard, kaddib karoos uu dadab ka soo qaaday Romelu Lukaku, kulanka ayaan ku soo dhammaaday 2-1.

Man United ayaa kaalinta labaad ku soo laabtay ee horyaalka Premier League ku soo laabatay waxaana ay leedahay 59-dhibcood, iyadoo Liverpool ay u soo dhacday kaalinta saddexaad iyadoo leh 57-dhibcood.