Faah faahin ka sobaxeyso Qarax Caawa Ka Dhacay Muqdisho Iyo Khasaaro Ka Dhashay

0
266

Fiidnimadii Caawa ayaa waxaa qarax Miino Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa lagula eegtay ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya Gaadiid ay la socdeen.

Qaraxa ayaa xiliga uu dhacayay waxa ay ciidamadu marayeen halka loo yaqaano laamiga biyo degeenka ee suuqa xoolaha,waxaana sidoo kale halkaasi Xarun ku leh ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa  sheegay in qaraxa kadib ay maqleen rasaas xoogaa daqiiqado socotay,balse ma uusan shaacin khasaaraha ka dhashay qarax iyo rasaas ay fureeen ciidamada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada qaraxa lala eegtay ay u soo gurmadeen Ciidamo kale oo fariisin ku leh Biyo degeenka Suuqa xoolaha kuwaas oo mudo 20 Daqiiqo ah wadada xiray wallow markii dambe dib loo furay.

Maamulka degmada Hurwaa iyo Saraakiisha Ciidamada weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha ka dhashay qaraxaas iyo tallabada xigta oo ay qaadi doonaan.