Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

Falanqeynta Barcelona vs Getafe- Blugrana Oo Ilaashaneysa Rikoorkeeda Guulaha Xiriirka Ah

Published on February 11, 2018 by   ·   No Comments

Hogaamiyeyaasha horyaalka Primera Division ee Barcelona ayaa gurigooda kula ciyaari doona caawa kooxda ka dhisan Madrid ee Getafe.

Catalan waxa ay doonayaan inay sii dheereystaan rikoorkooda guuldarro la’aanta horyaalka La Liga marka ay caawa ku wajahayaan Getafe garoonka Camp Nou.

Gerard Pique ayaa goolka barbaraha u dhaliyay kooxdiisa kulankii ugu dambeeyay oo ay 1-1 la galeen kooxda ay xifaaltamaan ee Espanyol, waxaana ay kujiraan 18 kulan oo aan laga badin horyaaalka La Liga.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Camp Nou

SAACADA: 6:15 PM

MAXAA CUSUB?

Saxiixa xagaaga kooxda Barcelona ku cusub ee Ousmane Dembele oo ku dhaawacmay kulankii ay martida u ahaayeen kooxdiisa Getafe bilowgii xili ciyaareedkaan ayaa diyaar u ah ciyaarta caawa.

Gerard Pique oo awoodi waayay inuu ciyaaro kulankii Valencia ayaa markale maqan kadib markii uu seegay tababarkii ugu dambeeyay kooxda Barcelona.

Daafaca dambeedka dhexe ee Thomas Vermaelen ayaa sidoo kale seegaya kulankaan, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Andre Gomes uu shaki ku jiro taam ahaanshihiisa.

Kooxda Ernesto Valverde oo sidoo kale gaartay Finalka Copa del Rey habeenkii Khamiista, waxay doonayaan in ay sii dheereystaan hogaaanka horyaalka La Liga.

Dhinaca Getafe oo kusoo laabatay La Liga xagaagii hore, waxaa ay dooneysaa in ay sii joogto Primera Division xilli ciyaareed kale.

Kooxda Jose Bordalas ayaa barbaro gashay seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen kooxaha Athletic Club, Sevilla iyo Leganes – waxaana ay haatan ku jiraan kaalinta 11aad, iyagoo leh 29 dhibcood 22 kulan oo ay ciyaareen.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Markel Bergara ayaa weli dhaawac ah ka ah kooxda Getafe, laakiin tababare Bordalas ayaa heysta koox kale oo taam ah ciyaarta caawa ka dhaceysa Camp Nou.

XAQIIQADA KULANKA

Barcelona ayaa badisay afarteedii kulan ee ugu dambeysay oo ay La Liga kula ciyaartay Getafe, waxaana ay ka dhalisay 16 gool.

Getafe kama badin Barcelona 12 kulan oo ay ku booqatay Camp Nou La Liga seddex barbaro iyo 9 guul darro ayay kala soo laabteen, waxa ay barbaro gashay kaliya hal kulan oo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen Barcelona waana markii ay 2-2 lasoo galeen bishii May 2014kii.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Pique, Mina, Alba; Busquets, Iniesta, Coutinho, Paulinho; Suarez, Messi.

Getafe : Guaita; Damian, Antunes, Bruno, Djene; Fajr, Portillo, Arambarri, Amath; Molina, Remy.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Shacab Ku Banaabaxay Somaliand Sheegay In Ay Yihiin….

May, 26, 2018
Shacab Ku Banaabaxay Somaliand Sheegay In Ay Yihiin....

Akhriso:-Baarlamaanka Soomaaliya Oo U Yeeray Wasiir Ka Tirsan Xukumadda

May, 26, 2018
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay u yeereen,isla markaana ay dalbadeen in uu hortago Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ...