FALLANQEYN: Barcelona vs Girona- Blaugrana Oo Dooneysa Inay Dheereyso Dhibcaha La Liga

0
327

Barcelona ayaa kusoo laabatay horyaalka La Liga ka dib markii ay barbaro adag la gashay Chelsea kulankii Champions League ee Talaadadii.

Kooxda Ernesto Valverde ayaa kala soo laabatay Stamford Bridge barbaro 1-1 ah, iyadoo Lionel Messi uu goolkiisii ugu horeyay ka dhaliyay Blues.

Blaugrana ayaa haatan dib ugu soo laabaneysa horyaalka Primera Division, iyagoo kooxda dhibka badan ee Girona kula ciyaaraya Camp Nou.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Camp Nou

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Thomas Vermaelen ayaa mar kale diyaar ah, daafaca reer Belgium ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka caawa.

Tababaraha Barcelona Valverde ayaa heysta koox buuxda oo uu u xulan karo kulanka caawa ee Camp Nou.

Nelson Semedo oo ganaax ku seegay kulankii Champions League kooxdiisa la ciyaareen Chelsea ayaa la heli karaa.

Girona ayaa xilli ciyaareed weyn ku riyaaqaya, markoodii ugu horeysay oo ay ka ciyaarayaan horyaalka La Liga.

Kooxda Pablo Machin ayaa laba jeer barbaro la gashay Atletico Madrid, halka ay sidoo kale garaaceen kooxda Real Madrid.

Daafaca Jose Raymundo ayaa dhaawacan, halka daafaca bidix ee Johanna Mojica uu shaki ku jiro kulanka caaawa.

XAQIIQADA KULANKA

Kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan wuxuu ahaa kulankii ugu horeeyay ee labada kooxood ku kulmaan La Liga, iyadoo Barcelona ay 3-0 ku badisay Montilivi.

Barcelona ayaan laga badin 19 kulan oo ka tirsan kulamada horyaalka La Liga, waa herkoodii ugu fiicnaa tan iyo 21kii Febraayo 2009kii.

Kaliya hal gool oo ka mid ah 13kii gool ee ugu dambeyay Barcelona ka dhalisay La Liga ayaa yimid qeybta hore (Luis Suarez ayaan Eibar ka dhaliyay).

SAFAFKA MAUULKA AH

Barcelona (4-4-2): Ter Stegen; Semedo, Piqué, Umtiti, Alba; Dembélé, Rakitic, Busquets, Coutinho; Messi, Suárez

Girona (3-4-3): Bono; Ramalho, Bernardo, Juanpe; Benítez, Pere Pons, Granell, Mojica; Portu, Stuani, Borja García