FALLANQEYN: Real Madrid vs Alaves- Ronaldo Oo Soo Laabtay & Ramos Oo Maqan

0
428

Cristiano Ronaldo ayaa lagu wadaa inuu ku laabto safka Real Madrid, iyadoo kooxda Zinedine Zidane ay ku martigelin doonto kooxda Alaves garoonka Santiago Bernabeu.

Weeraryahanka reer Portugal ayaa la nasiyay kulankii Arbacadii, iyadoo Madrid ay 3-1 ku garaacday Leganes kulankii lugta labaad ee wareega 16ka.

Vazquez, Casemiro iyo Sergio Ramos ayaa dhaliyay goolasha, laakiin Zidane kooxdiisa ayaa dooneysa inay sii wadato qaab ciyaareedkooda sarre kulanka ay horyaalka La Liga ku marti galinayaan Alaves.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Santiago Bernabeu

SAACADA: 6:15 Pm

MAXAA CUSUB?

Daafaca Jesus Vallejo ayaa weli dhaawac ku maqan, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Toni Kroos uu isna dhaawac jilibka ah oo soo gaaray kulankii PSG uu la maqan yahay.

Marcelo ayaa sidoo kale seegaya kulankaan ka dib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii Betis, halka Luka Modric uu dhaawac ka qabo muruqa.

Sergio Ramos ayaa ganaax ku maqan ka dib markii uu qaatay jaalihiisii shanaad ee xilli ciyaareedka horyaalka kulankii Leganes, Kabtanka Real Madrid ayaa haatan noqday taariikhda xiddiga ugu jaale qaadashada badan La Liga.

Xiddiga Munir El Haddadi ayaa ganaax ku seegaya kulankaan, halka weeraryahanka kale ee Hector Hernandez iyo daafaca midig ee Carlos Vigaray labaduba shaki la galinayo.

XAQIIQADA KULANKA

Alaves ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah tan iyo markii Abelardo uu tababare u noqday, isagoo ku guuleystay 22 dhibcood, waxaana uu 10 dhibcood kasoo dhaqaaqay booska loogu laabto heerka labaad.

Real Madrid ayaan laga badinin 11kii kulan ee ugu dambeyay oo ay ka horyimaadeen Alaves (10 guul iyo hal barbaro ayay galeen), iyagoo badiyay 8dii kulan ee ugu dambeysay.

Alaves ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu dambeysay La Liga, laakiin waligood ma aysan badinin afar kulan oo isku xiga tartamada oo dhan.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Real Madrid: Navas; Carvajal, Nacho, Varane, Hernandez; Casemiro, Vazquez, Kovacic, Isco; Bale, රොනල්ඩෝ

Alves: Pacheco; Ely, Duarte, Laguardia, Martin; Pedraza, Pina, Garcia, Ibai; Bojan, Guidetti