Farxad mise Murugo: Maxaa ka soo kordhay Xaalada Neymar

0
305

Hogaamiyeyaasha horyaalka Ligue 1 ayaa dharbaaxo kala kulmaya kulanka lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ka dib markii la shaaciyay in xiddigooda muhiimka ah ee Neymar uu seegayo kulankaas.

Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain Neymar ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo bil ah ugu yaraan, iyadoo lugta midig gaar ahaan canqawga uu kasoo gaaray dhaawac.

Kooxda PSG ayaa ku adkeysaneysa ciyaaryahanka inuu kasoo muuqan karo kulanka Champions League ee Real Madrid, laakiin warar horudhac ah ayaa lagu ogaaday inuu maqnaan karo muddo bil ah.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa dhaawac uu soo gaaray kulankii axadii horyaalka Ligue 1 kooxdiisa 3-0 kaga badisay Marseille.

Neymar ayaa laga saaray garoonka isagoo ilmeynaya, iyadoo dhamaan calaamadaha lagu arkay ay muujinayeen inuu qabo dhaawac daran.

Inkastoo baaritaanada hordhaca ah lagu soo ogaaday inuusan jirin jabka ama dhaawac culus, haddana waxaa shaaca laga qaaday inuu jiri karo jab yar oo ka gaaray mid kamid ah lafaha yar yare e kujira cagta.

Baaritaannada dhammeystiran ee maanta lagu sameeyay ultrasound CT ayaa lagu xaqiijiyay in laacibka uu dhibato ka qabo canqowgga midig, laakiin sidoo kale uu dhaawac ka jiro dhanka cagta hoose.

War saxafadeed kasoo baxay PSG isniintii shalay ayaa lagu xaqiijiyay in xaalada aysan aheyn mid adag inkastoo warbaahinta ay durba tabineyso inuu jiro dhaawac daran.

PSG ma aysan soo bandhigin waqtiga uu soo laaban karo Neymar, laakiin dhaawaca ayaa sida caadiga ah u baahan doona ugu yaraan hal bil oo nasiino ah.

Haddii si cad loo xaqiijiyo in Neymar seegayo garoomada muddo bil ah waxa uu seegi doonaa kulanka lugta labaad ee wareega 16ka Champions League kooxdiisa ku wajaheyso Los Blancos.

Kooxda Unai Emery ayaa 3-1 lagu soo garaacay lugtii hore ee ka dhacday Spain, inkastoo ay hogaanka ku qabteen Santiago Bernabeu kadib gool ka yimid Adrien Rabiot.