Gabar ardeyad ah oo lagu kufsaday Wajeer Gobolka Waqooyi Bari Kenya

0
427

Maamulka Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in saddex Nin oo gaangiistarro ah ay kufsadeen gabar 15 jir ah oo dhiganeysay Dusgiga sare.

 

Kufsiga Gabadhaas oo dhiganaysay fasalka 10aad,waxaa uu dhacay 18-19kii Bishan waxaana uu ka dhacay degaanka Habaasweyne oo hoostaga Wajeer.

 

Maamulka degaanka Habaasweyne ayaa sheegay in saddexda Nin ee kufsiga geystay ay markii hore baxsadeen iyada oo ciidanka Booliska ay ku guuleysteen qabashada mid ka mid ah Raggii kufsiga geystay.

 

Mid ka mid ah maamulka degaanka Habaaweyne ayaa sheegay in Gabadha loo qaaday Nairobi iyada oo xaaladdeeda caafimaad ay liidato,waxaa uu odayaasha degaanka uga digey in ay arrintan ku dhameeyaan maslaxada beelaha dhexdooda ah.

Waxaa uu sheegay in falkan uu yahay kii 2aad oo Sanadkan gudahiisa ka dhaca degaankaas iyada oo uu sheegay in Odayaasha ay kaliya lacag ka qaadaan Ragga kufsiga geysta sidaasna looga socdo.

 

Ninkan u hadlay degaanka ayaa sheegay in hadda Maxkamadda la soo taagayo qofka la qabtay sida oo rajo ka muujiyay in sida ugu dhaqsiyaha badanna loo qabto kuwa maqan ee gaaraya labada Qof.