Garsoore Tom Henning Ovrebo oo qirtay inuu Chelsea ka horjoogsaday finalka UCL markii ay wajaheen Barca 9 sanno ka hor!

0
341

Garsoore Tom Henning Ovrebo ayaa qirtay inuu 9 sanno ka hor Chelsea u qoonsaday booska finalka UEFA Champions League – maadaama uu si xun u garsooray kulankii barbardhaca 1-1 ah kusoo dhammaaday ee ay Chelsea la ciyaartay Barcelona 2009kii.

51 sanno jirka reer Norway Tom Henning Ovrebo ayaa habeenkaas qaladaad badan ka galay Chelsea, taasoo keentay inay Barcelona daqiiqadii ugu dambeysay hesho goolkeeda barbardhaca lugtii labaad ee semi-finalka UCL kana dhacday garoonka Stamford Bridge.

Balse garsoore Ovrebo ayaa afar rigoore oo cad u diiday Chelsea, taasoo Blues ka horjoogsatay inay ka aarsato Manchester United oo ka qaaday finalkii Champions League ee 2008dii lagu qabtay Moscow.

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa wixii intaas ka dambeeyey aqbalay cabashadii kaga timid Chelsea, laakiin halyeeyga Blues Didier Drogba ayaa lagu ganaaxay inuu natiijada ciyaartaas ku tilmaamay mid sharaf dhac ku ah kubadda cagta.

Haatan garsoore Ovrebo ayaa si cad u qirtay inuu dhowr qalad sameeyey ciyaartaas, ka hor inta uusan Andres Iniesta goolka barbardhaca u dhalin Barcelona daqiiqadii ugu dambeysay – goolkaasoo kansalay midkii uu Chelsea hogaanka ugu dhiibay Michael Essien.

Garsoore Tom Henning Ovrebo ayaa xitaa qirtay in habeenkaas ay u hanjabeen taageereyaasha Chelsea, taasoo ku qasabtay inay hoteelka bedeshaan.

Garsoore Tom Henning Ovrebo ayaa u sheegay majaladda Marca: “Haddii aan xaqiiqada ka hadlo, ma aheyn maalinteydii ugu fiicneyd ee shaqo garsoore. Laakiin qaladaadkaas oo kale garsoore wuu geli karaa, mararka qaar ciyaartoyda iyo tababareyaashuna waa ay sameeyaan.

“Maalmaha qaar ayaadan ku jirin bandhig garsoorkaaga ugu wanaagsan. Kuma farxi karo sidii aan kulankaas u garsooray.

“Waxaa jiray kubaddo ay gacanta ku taabteen ciyaartoyda Barcelona. Laakiin markaas go’aankii aan ku gaaray garoonka dhexdiisa ayaa ahaa midka la xukmiyey. Waanse fahmi karaa inay dadku u fikirayaan si ka duwan sidaas.

“Aniga ayaa masuul ka ahaa go’aannadaas aan sameynay habeenkaas kooxdeennii garsoorku, waxaanse ku doodi karnaa inay Chelsea usoo bixi laheyd finalka haddii aan wax ka bedeli lahaa go’aannadeyda.”