Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Goolhaye David De Gea Oo Diyaar U Ah Inuu Ku Biiro Real Madrid

Published on February 5, 2018 by   ·   No Comments

Goolhayaha Man United David De Gea ayaa diyaar u ah inuu ku biiro kooxda Real Madrid ee ka dhisan caasimada Spain.

Xiddiga reer Spain ayaa lala xiriiriyaa inuu u wareego kooxda ka dhisan La Liga muddo sannado ah, waxaana uu ku dhawaaday inuu u dhaqaaqo Bernabeu ka hor inta uusan qandaraas cusub saxiixin sannadkii 2015kii.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa doonaya inuu lasoo wareego 27 jirkaan oo loo arko bedelka saxda ah ee Keylor Navas.

Kooxda Real Madrid ayaa lala xiriirinayaa labada goolhaye ee De Gea oo katirsan Manchester United iyo kan Chelsea ee Thibaut Courtois.

Waxaa lasoo wariyay in De Gea ku rajo weyn yahay ku laabshada Madrid, halkaaoo uu kasoo bilaabay xirfadiisa ciyaaraha.

Goolhaye De Gea ayaa siddeed sanno ku qaatay kooxda ay xafiiltamaan Real Madrid ee Atletico Madrid ka hor inta uusan United ugu dhaqaaqin 18.9 milyan oo ginni sanadkii 2011kii.

Sida laga soo xigtay wargeyska Spanish-ka ee Don Balon, De Gea ayaa weydiistay wakiilkiisa inuu bilaabo wadahadal uu ugu biirayo kooxda Real Madrid.

De Gea ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ka sameeyay United xilli ciyaareedkan, isagoo 18 kulan shabaqa ilaashaday tartamada oo dhan, waxaana kooxdiisa ay kujirtaa kaalinta labaad ee Premier League.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...