Thursday, May 24th, 2018
Advertisements
Advertisements

Guddiga Badbaadinta Doonida Boosaaso ku Caarisay oo Gurmad dalbaday.

Published on February 12, 2018 by   ·   No Comments

Guddiga ku howlan badbaadinta Hantida saaran doon ku caarisay Magaalada Boosaaso ayaa dalbaday in laga caawino dhameystirka Gurmadkooda.

Waxa ay sheegeen in marxaladii ugu dambeysay ee doonida loogu talaabo ay guda galeen, waxa ayna dalbadeen in gurmad la siiyo.

Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ganacsatada Puntland ayey ka dalbdeen in ay ku dadaalaan sidii aanan u kala go’I laheyn howsha socota.

500 Mitir ayey tilmaameen in ay u jirto Doonida, meesha ay joogaan iyo Halka ay kasoo bilaabeenna ay kala rajo dhaw yihiin.

Doonida waxaa saaran hanti gaareysa 7Milyan oo doolar, waxayna u rarantay Ganacsato Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland.

Injineero iyo Dadweyne isku tagay ayaa ka qeyb qaatay fikirka lagu badbaadinayo Hantida Doonida saaran, waxaana la sameeyey wado lagu tagayo Doonida oo laga sameeyey Carro laga buuxiyey Kunteenaro.

Cilad ku timid Doonida ayaa sababtay in ay gaari weyso Marsada Boosaaso oo ku tala galkeeda ahaa in ay ku xirato, si looga dajiyey Badeecada Saaran.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Faah Faahin Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Puntland oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

May, 23, 2018
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degmada Gaalkacyo ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw halkaa ku ...

Wasaaradda amniga oo Faah faahin kabixisay rag maanta lagu toogtay Muqdisho

May, 23, 2018
Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay laba dhalinyaro ah oo maanta ciidanka ...